Leganes Oo Real Madrid Uga Badisay Hal Gool Oo Nadiif Ah , Lugta Labaad Ee Cope Del Rey Ayay Ciyaareen

Labada koox ee Leganes iyo Real Madrid ayaa wada ciyaarayay lugta labaad ee Cope Del Rey xilli lugtii hore ee garoonka Real ay kooxda boqortooyada ku badiyeen sedex gool oo nadiif ah.

Real qeybtii hore kubadda waa looga wacnaa iyaga ayaan la halis gilinayay iyadoo nasiinada loogu diray hal gool oo nadiif ah kaasi oo yimid daqiiqaddii 30-aad waxaana saxiixay Martin Braithwaite ka dib kubad ku laalabatay goosha Real.

Real qeybtaas hore waa laga dar dar wacnaa waxaana ku adkeyd in si sax ah ay u tagaan goosha kooxda ay martida u yihiin , waxaana heerka kubad haysashada Leganes ay gaartay %56

Qeybta labaad , Real waxa ay isku dayayeen in kubadda wax ka badalaan ayna helaan gool balse sidii la rabay uma aysan dhiseyn kubadda waxaana mar waliba halis badneyd kooxda Leganes .

Qeybihii dhexe Real kubadda waxa ay u soo jiidayeen goosha kooxda ay martida u ahaayeen balse ma jiirin fursado xaqiiq ah oo ay abuurayeen

Dhamaadkii , Real ayaa kubadda badneyd balse durba waa laga soo celinayay oo kubadooda ma laheyn dhameystir halka dhankoodana uu wacnaa daafacooda .

Daqiiqadii 84-aad kooxda Leganes gool xaqiiq ah ayay iska cuneen xilli gooshana ay banaaneyd waxa ayna kubadda sara martay birta , waxa ayna kooxdaas dhamaadkii ku tiirsanaayeen kubadda rogaal celiska ah xilli Real-na daqiiqaddii 86-ad iska cuneen gool xaqiiq noqon karay .

Real daqiiqadii 89-aad kubad la soo dba amarsiyay goolhayaha Leganes ayaa birta kaga dhacday waxa ayna daqiiqadihii geerida iska qasaariyeen dhowr fursad .

Leganes daqiiqadihii dheeriga waxaa si cajiib ah goolal uga bad baadiyay goolhayaha Real Madrid oo si cajiib ah kubaddaha u saarayay ,waxa ayna ciyaarta ku dhamatay halkaas gool ee Real looga badiyay balse Real ayaa soo baxday maadaama kulankii hore ay ku soo baidyeena sedex gool oo nadiif ah

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here