Leandro Paredes Oo Ogolaaday Chelsea Xilli Ay Blues Doonayso In Ay Ka Dhigto Badalka Cesc Fabregas

Kooxda chelsea ayaa si aad ah ugu sii dhawaanaysa saxiixa xiddigeedii 2-aad ee suuqa Janaury iyo xiddig ay u doonayso badalka Cesc Fabregas.

Chelsea ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Zenit ee Leandro Paredes kaas oo ay u doonayso badalka Cesc Fabregas.

Xiddiga reer Argentine ayay u badan tahay in uu bishan ku soo biiro Stamford Bridge si uu u noqdo badalka xiddiga Fabregas oo ku biiray Monaco.

Leandro Paredes oo 24 sano jir ah ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda chelsea kuwaas oo isku diyaarinaya in ay haatan ka gudbiyaan dalab 27 milyan ah.

Zenit ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga Leandro Paredes maadama uu muhiim ka yahay kooxda laakiin waxa ay sidoo kale ka cabsi qabtaa in uu diido tababarka kooxda si uu ugu qasbo ku biirista chelsea hadii ay aqbaali waayaan in uu ku biiro Blues.

Sidaas darteed hogaamiyayaasha horyaalka Russia ee Zenit ayaa bilaabay raadinta badalkiisa ka hor inta ayna Paredes ogolaansho u siin in uu ku biiro kooxda reer Lonodn.

Paredes ayaa dhaliyay 15 gool sidoo kale caawiye ka noqday 10 kale 61 kulan oo uu u saftay kooxda tan ilaa markii uu Kooxda kaga soo biiray Roma xagaagii 2017.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here