Laurent Koscielny Oo Uu Shaki Weyn Ku Jiro Kulanka Tottenham Kadib Dhaawac Jilibka Ah Oo Soo Gaadhay

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Arsenal ee Laurent Koscielny ayuu shaki weyn ku jiraa kulanka North London Derby ee ay la ciyaari doonaan Tottenham kadib markii uu dhaawac soo gaadhay 2 daqiiqo ka hor dhamaadkii kulankii Bournemouth.

Laurent Koscielny ayaa ah xiddig muhiim u ah daafaca Gunners xilli ay u dadaalamayaan sidii ay ugu soo bixi lahaayeen kaalinta 4-aad si ay ugu soo baxaan champions League xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin xiddiga reer France ayaa kulankii Bournemouth ku dhamaystay dhaawac isaga oo u muuqday mid xitaa socon kari la,a kadib markii uu dhaawac soo gaadhay isaga oo kubad kula loomaya Joshua King.

Marka loo eego in uu 32 jirku yahay daafacooda ugu fiican waxa ay wajahayaan wel-wel weyn xilli uu Emery daawaday xiddiga oo 2 daqiiqo oo daawayn ah qaatay.

Ciyaarta kadib ayuu Emery sheegay in uu rajaynayo in uuna dhaawacu ahayn mid halis ah waliba rajaynayo in uu diyaar u noqdo kulanka Sabtida.

Koscielny ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kadib markii ay Gunners xasuuqday Bournemouth ugana badisay 5/1 kulan ka dhacay Emirates.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here