Lama Joojin Karo Sadio Mane! Jamaahiirta Liverpool Oo Jeclaystay Wacdarihii Uu Mane Sameeyay Iyo Tottenham Oo Wadnaha Farta Ku Haysa.

Sadio Mane ayaa noqday xidig aan waqti xaadirkan la joojin karin wuxuuna halkiisa ka sii watay wacdarihii uu garoomada ka soo samaynayay isaga oo xulkiisa Senegal guul muhiim oo kale ku hogaamiyay. Kadib markii uu Sadio Mane ku soo bilawday shaxda xulkiisa ee kulankii sabtida ee ay guusha ka gaadheen Madagascar waxa uu kaydka fadhiyay kulankii xalay ee ay Senegal la ciyaartay Mali.

Sadio Mane ayaa 15 kii daqiiqo ee ugu danbayay kulankii Mali waxa uu ka soo baxay kursiga kaydka iyada oo xulkiisa Senegal hogaanka looga hayay 1-0 laakiin markiiba Mane waxa uu si layaableh u dhex qaaday ciyaartoy badan oo xulka qaranka Mali ah wuxuuna si cajiib ah u dhaliyay goolka barbaraha ee ay Senegal ugu soo laabteen ciyaarta.

Laakiin Sadio Mane ayaa dhamaadkii ciyaarta markii ay maraysay daqiiqadii 92 aad waxa uu caawiye ka noqday goolkii guusha ee uu Moussa Konate ka dhaliyay Mali isaga oo Mane noqday furaha xulkiisa Senegal ee 15 kii daqiiqo ee ugu danbeeyay oo uu garoonka ku jiray.

Sadio Mane ayaa 8 gool u soo dhaliyay kooxdiisa Liverpool iyo xulkiisa Senegal intii lagu jiray 7 kulan ee ugu danbeeyay wuxuuna sidoo kale sameeyay 2 gool caawin taas oo la micno ah in todobadii kulan ee ugu danbeeyay uu 10 gool ku soo lug yeeshay.

Sadio Mane oo la ogaa wixii uu ku soo sameeyay Bayern Munich iyo waliba qaabkii uu kooxdiisa Reds u soo caawinayay waqtiyadii la soo dhaafay ayaa si wayn uga farxiyay jamaahiirta kooxdiisa Liverpool ee ka hor kulanka adag ee ay Tottenham la ciyaari doonaan.

Bandhiga Sadio Mane waa mid digniin wayn u ah Tottenham iyo kooxaha Premier League isaga oo hadda baacsanaya Sergio Aguero oo hal gool kaga sareeya tartana kabta dahabka ah wuxuuna hadda Mane noqday mid aan heerka kooxeed heerka caalami lagu joojin karin.

Muuqaalka goolkii uu Mane xulkiisa Senegal ugu soo celiyay ciyaartii Mali markii uu badalka garoonka ku soo galay.

Si kastaba ha ahaatee, Sadio Mane iyo ciyaartoyda kale ee kooxda Liverpool ee kulamada caalamiga ahaa ku maqnaa ayaa la midoobi doona ciyaartoydii uu Jurgen Klopp ku sii shaqaynayay waxayna si buuxda diirada u saaranayaan kulanka adag ee Tottenham.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here