Xulka Qaranka Saudi Arabia ayaa sameeyay lama filaankii ugu weynaa ee koobka adduunka kadib markii ay garaaceen xulka Loo saadaalinayo koobka adduunka ee Argentina.

Kulanka ayaa ku bilowday sidii la filayay waxana maamulayay ciyaarta xulka Argentina xilli xulka Saudi Arabia ku bilowday daafaca si ay u ilaashadaan goolkooda.

Saaxiibada Lionel Messi ayaa wax ka walba ka samaystay xulka Saudi Arabia kuwaas oo ay ku adkayd in ay weerar ku qaadaan xulka Argentina.

Daqiiqadii 10-aad ayuu xulka Argentina dhaliyay goolka 1-aad waxana rikoodhe u badalay xiddiga Lionel Messi kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Argentina ayaa dhawr jeer ku dhawaatay in ay sii dheeraysato hogaanka ciyaarta laakiin xulka Saudi Arabia ayaa si fiican ku difaacday goolkooda.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo uu xulka Argentina hogaaminayo isla markaas ahaa xulka fiican.

Qaybta dambe ayaa la filayay in uu xulka Argentina sii wato ciyaarta isla markaas raadiyo in uu dilo ciyaarta xilli Suadi Arabia laga filayay in goolal kale laga dhaliyo.

Laakiin Xulka Saudi Arabia ayaa dar-dar leh ku bilowday koobka adduunka iyaga oo Argentina ku qaaday weeraro aan la filayn.

Daqiiqadii 48-aad ayuu xulka Saudi Arabia dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Sale Alshehri kaas oo xulkiisa ciyaarta ku soo celiyay kana dhigay 1/1.

Xulka Saudi Arabia ayaan halkaas ku joogsan waxana ay Argentina ku qaadayeen weeraro is daba joog ah iyaga oo aan wax cabsi ah ka muujin xulka Argentina.

Daqiiqadii 53-aad ayuu xulka Saudi Arabia ka yaabsaday adduunka isla markaas dhaliyay goola 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Salem Aldawsari kaas oo hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Xulka Saudi Arabia ayaa naftooda u horay sidii ay u difaacan lahaayeen goolka una diidi lahaayeen Argentina in ay dhaliyaan goolka.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo uu xulka Saudi Arabia qarxiyay lama filaanka ugu weyn guul lama filaan ahna ka gaadheen xulka Argentina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here