LAMA FILAAN: Horyaalka Uu Doonayo In Uu Neymar Ku Biiro Oo La Ogaaday, Mana Ahan La Liga Sabab.

0

Wararka ka imanaya dalka France ayaa sheegaya in uu Neymar doonayo in uu isaga tago kooxda PSG Xagaaga laakiin uuna ku laaban horyaalka La Liga oo si weyn loola xiriirinayo.

Sida laga soo xigtay le10sport xiddiga reer Brazil ayaa doonaya in uu ku biiro horyaalka premier League hadii ay dhacdo in uu xagaaga isaga tago kooxda PSG.

Wargayska ayaa sheegaya in ay maalmaha PSG ee Neymar dhawdahay in ay soo afjaranto xilli uu xiddigu doonayo in uu tartan kale isku tijaabiyo.

Neymar ayaa horyaalka premier League u arka midka ugu fiican yurub oo dhan waxana uu doonayaa in uu isku tijaabiyo in uu ka ciyaari karo.

Isla wargayska ayaa intaas ku daray in uu Neymar doonayo inuu midkood ku biiro kooxaha reer Manchester ee Man City ama Man United.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa aaminsan in ay labadaas kooxood oo kaliya diyaar u yihiin in ay bixiyaan lacagta waalida ah ee msuahaharkiisa iyo waliba lacagta ay PSG ku iibin karto.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here