Lacagta Ay Kooxaha Premier League Suuqa Janaury Galiyeen Oo La Yaab Noqotay Markii Ugu Horaysay Tan Ilaa 2012.

Waxa si Rasmi ah shalay u soo xidhmay suuqii January ee sanadka 2019 iyada oo ay kooxaha premier League suuqa galiyeen lacago si ay u xoojiyaan kooxda.

Kooxaha premier League ayaa suuqii January ee xidhmay galiyay 180 Milyan oo euro waana lacagtii ugu yarayd ee suuqa la galiyo markii ugu horaysay tan ilaa 2012.

Kooxda chelsea ayaa kala badh lacagtaas suuqa galisay kadib markii ay 57 milyan oo euro kula soo saxiixatay xiddiga Christian Pulisic.

Saxiixii ugu weynaa ee maalintii ugu dambaysay suuqa January ayaa ah saxiixa cusub ee kooxda Newcastle ee Miguel Almiron oo 21 milyan ugu biiray kooxdaas iyo Jonny Otto oo 15 milyan ugu biiray Wolves.

Suuqii Janaury ee sanadkii hore waxa ay kooxaha premier League suuqa galiyeen lacag dhan 430 milyan oo euro iyada oo ay ku jireen xiddigaha Virgil van Dijk oo laga bixiyay 75 milyan oo euro iyo Aymeric Laporte oo laga bixiyay 57 milyan oo euro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here