Laba Xiddig Oo Chelsea Ah Oo Dagaal Kulul Oo Afka Ah Kula Galay Maurizio Sarri Todobaadka, Sabab

Tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa u muuqda mid colaad ku samaysatay qolka Labiska kooxdiisa kadib markii ay isku dheceen laba xiddig oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Xiddigaha Cesar Azpilicueta iyo Willain ayay isku dheceen tababaraha kooxda ee Maurizio Sarri intii lagu jiray tababarka kooxda todobaadkan sida ay sheegayaan wararli.

Kadib ciyaartii Arsenal Sarri ayaa weerar ku qaaday xiddigaha kooxdiisa isaga oo su,aal ka keenay dhiiri gashnaantooda.

Sidoo kale tababaraha reer Italy ayaa sheegay in ayna xiddigaha chelsea gabi ahaanba garanayn tayadooda iyo dagaalkooda.

Sarri ayaa wadahadalo nabadayn ah xiddigaha kooxdiisa kula qaatay tababarka laakiin sida laga soo xigtay The Times Xiddigaha Cesar Azpilicueta iyo Willain ayaa diiday arintaas.

Wargayska ayaa sheegaya in ay xiddigaha Cesar Azpilicueta iyo Willain dagaal kulul la galeen tababaraha iyada oo labada xiddig u hadalayeen xiddigaha kale ee kooxda kadib markii uu weerar ku qaaday xiddigihiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here