Laba Sababood Oo Ka Dambeeya Rabitaanka Denis Suarez Ee Ku Biirista Arsenal Oo La Ogaaday

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Barcelona ee Denis Suarez ayaa sheegay in uu doonayo in uu Arsenla ku biiro iyo laba sababood oo ka dambeeya sida ay sheegayaan wararku.

Arsenal ayaa doonaysa in ay xiddigo cusub la soo saxiixato suuqa Jnauary laakiin Unai Emery ayaa sheegay in uu kaliya xiddigaha kula soo saxiixan karo heshiis amaahda maadama ayna haysan lacag ay suuqa galiyaan.

In uu Denis Suarez tababarihiisii hore kula midoobo Arsenal bishan ayaa ah mid si weyn loo filayo kadib markii ay Gunners xiiso u muujisay xiddiga reer Spain.

Denis ayaa naftiisa ku arkay kaydka koxoda Barcelona isaga oo aan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda tan ilaa markii uu ku soo laabtay.

Sida laga soo xigtay wargayska Mundo Deportivo Suarez ayaa doonaya in uu u dhaqaaqo kooxda woqooyinga London iyo laba sababood oo ka dambeeya.

Sababta 1-aad ayaa ah in uu doonayo in uu dib ula midoobo Tababare Emery oo ay sanadkii 2015 ka soo wada shaqeeyeen kooxda Sevilla.

Sababta 2-aad ayaa ah in uu Suarez la dhacsan yahay qaab ciyaareedka Arsenal ee kubad haysashada iyo dhisida weerarka ku dheehan farsamo iyo baas-baaska gaa-gaaban.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here