Laba Sababood Oo Ay Maamulka Chelsea Tababare Maurizio Sarri Ugu Diidi Doonaan La Soo Wareegista Xiddig Khadka Dhexe Ah

Maamulka Kooxda chelsea ayaa diyaar u ah in ay Tababare Maurizio Sarri ka hor istaagaan la soo saxiixashada xiddig khadka dhexe ah inta lagu jiro bishan Janaury sida ay sheegayaan wararku.

Blues ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Dortmund ee Christain Pulisic kaas oo ay ka bixiyeen 58 milyan oo euro waxana ay sidoo kale haatan ku dhaw yihiin weeraryahanka Gonzalo Higuain.

Laakiin Sarri ayaa si cad ugu sheegay maamulka Blues in uu doonayo xiddig khadka dhexe ah inta uuna suuqa Janaury xidhimin kadib bixitaankii Cesc Fabregas.

Laakiin sida laga soo xigtay Wargayska The Guardian Maamulka chelsea ayaa diidi doona in ay u fuliyaan dalabka Sarri sababta oo ah qaar ka mid ah madaxda kooxda ayaan ku qanacsanayn in ay kooxdu u baahan tahay xiddig khadka dhexe ah.

Xiddigaha reer England ee Ross Barkley iyo Ruben Loftus-Cheek ayaa bilaabay in ay muujiyaan tayadooda ay kaga qayb ahaan karaan kooxda waxana ay sidoo kale Blues ku rajo weyn tahay in ay Mateo Kovacic si toos ah ugala wareegaan chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan taas ayaa ah sababta 1-aad.

Sababta 2-aad ayaa ah in ay madaxda Chelsea ka war qabaan in saxiixa xiddig kale oo khadka dhexe ah ka hor istaagi doono fursadaha xiddigo da,yar ah oo tayo leh oo kooxda jooga sida Mason Mount.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here