Laba Meelood Oo Ay Barcelona Uga Adkaatay Real Madrid Kulankii Xalay Waliba Go,aamiyay Kulanka

0

Kooxda Real Madrid ayaa guuldaradii 3-aad oo xiriir ah kala kulantay kooxda Barcelona kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Bernabeu.

Los Blancos ayaa ahayd qaar sameeyay fursado badan marka loo eego Barcelona qaybtii hore ee ciyaarta laakiin wax gool ah u badali waayay.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 2 Meelood oo ay ku kala badiyeen labada Kooxood:

Real Madrid 0-1 Barcelona: Ivan Rakitic’s stunning goal earns win

Daafac:

Inkasta oo ay ku ciyaarayeen shaxdooda ugu fiican dhanka daafaca hadana Real Madrid ayaa u muuqatay qaar diciif ka ah daafaca dambe iyo waliba goolhayaha.

Barcelona ayaa mar walba si dhib yar ku dhaafaysay daafaca kooxda Real Madrid kuwaas oo aan gabi ahaan haysan jiho ay u socdaan.

Dhanka kale Daafaca Barcelona ayaa ahaa qaar aad isugu xidhan iyaga oo Real Madrid u ogolaan waayay in ay wax goolal ah dhaliyaan.

Xitaa marka ay daafacyada Barcelona khalad galaan waxa khaladkaas si dhib yar u saxayay goolhayaha Kooxda Barcelona kaas oo ahaa bir aan la dhaafi karin.

Weerar:

Weerarka Kooxda Real Madrid ayaa ahaa mid aad u xun iyaga oo ku dhibaatooday in ay dhaliyaan goolal inkasta oo aan odhan karno qaybtii hore waxa ay ahaayeen qaar ka fiican Barcelona dhanka weerarka hadana weerarkaas ayayna wax gool ah ka dhalin.

Dhanka kale Barcelona ayaa mar walba qaadaysay weerar halis galinayay kooxda Real Madrid iyo goolkooda iyaga oo ka dhalin karay goolal inta ay ka dhaliyeen ka badan hadii uu nasiibku garab istaagi lahaa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here