Laba Kulan Oo El Clasico Ah Oo Bernabeu Lagu Ciyaari Doono 4 Maalmood Gudohood & Xog Kale Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku dagaalami doona Semi-finalka Copa del Rey iyada oo labadooda midkooda soo baxa Finalka tartanka la ciyaari doono Valencia iyo Real Betis midkooda soo baxa.

Ma jiri doono Final El Clasico ah sidii ay dad badan sugayeen ama saadaalinayeen laakiin labada kooxood ee ugu taariikhda weyn Spain ayuu midkood gaadhi doonaa finalka.

Lugta 1-aad ee Semi-finalka ayaa la ciyaari doonaa 6 bisha February kulankaas oo ka dhici doona garoonak Barcelona ee Camp Nou.

Kadib waxa 2 kulan uu El Clasico ah ka dhici doonaan garoonka Estadio Santiago Bernabeu Waliba muddo 4 maalmood gudohood ah.

Kulanka hore ayaa la ciyaari doonaa 27 Bisha February kaas oo ah lugta 2-aad ee Semi-finalka Copa Del Rey-ga ka hor inta ayna 4 maalmood kadib ku kulmin horyaalka La Liga.

Madrid iyo Barcelona ayaan ku kulmin tartanka tan ilaa finalkii 2014 markaas oo ay Los Blancos ku badisay 2/1 uu Gareth Bale gool dhaliyay wakhti dambe.

Dhanka kale waxa uu noqon doonaa kulankii 8-aad ee labada lugood ah ee Semi-finalka ay wada ciyaaraan kooxda Real Madrid iyo Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here