LA YAAB: Pual Pogba, Mohamed Salah & Mesut Ozil Oo Loogu Codeeyay Ciyaartoyda Premier League Ee Inta Ugu Badan La Buun Buuniyay Iyo Tobanka Xidig Ee Qiimahooda Laga Bad-badiyay.

Marar badan waxaa laga hadlaa ciyaartoyda qaar la sheego in ayna u qalmin hadal haynta iyo sumcada ay saxaafadu u abuurto kuwaas oo lagu sifeeyo kuwa inta ugu badan la buun buuniyay ee aan u qalmin heerka la gaadhsiiyo waxaana barbar socda ciyaartoy loo yaqaan geesiyada aan loo heesin kuwaas oo aan saxaafada iyo dad waynaha caalamka ka helin waxa u qaab ciyaareedkooda ugu qalmeen.

Haddaba wargayska The Sun ayaa si rasmi ah u soo bandhigay codbixin laga sameeyay ciyaartoyda la buun buuniyay ee la siiyay wax ayna u qalmin waxaana kaalinta kowaad si layaableh uga galay Pual Pogba kaas oo si rasmi ah loogu codeeyay in uu yahay xidiga laga bad-badiyay xaaladiisa.

Boqolkiiba 22% dadkii codbixintan ka qayb galay ayaa Pual Pogba ku tilmaamay xidig la buun buuniyay oo aan u qalmin heerka la gaadhsiiyay laakiin waxaaba xaalada uga sii dartay markii Mohamed Salah loogu codeeyay xidiga labaad ee Premier league loogu buun buuninta badan yahay.

Boqolkiiba 19% dadkii codbixintan ka qayb galay ayaa Mohamed Salah ugu codeeyay in uu yahay xidiga labaad ee arintiisa laga badbadiyay ee horyaalka Premier league.

Mesut Ozil ayaa loogu codeeyay xidiga saddexaad ee Premier league ka ciyaara ee inta ugu badan la buun buuniyay waxaana Ozil loogu codeeyay xidiga saddexaad ee arintiisa laga badbaadiyay iyada oo boqolkiiba 17% dadkii codka dhiibtay ay arintan aaminsan yihiin.

Dele Alli oo Tottenham u ciyaara ayaa boqolkiiba 14% loogu codeeyay in qiimihiisa la badbaadiyay oo la buun buuniyay waxaana liiska ku soo baxay xidigaha ay kala yihiin Hugo Lloris, Riyad Mahrez iyo Zaha oo Crystal Palace ka tirsan.

Haddaba halkan kaga bogo Liiska Ciyaartoyda Loogu Codeeyay in ay yihiin kuwo la qiimo dhaafiyay oo inta ugu badan lagu buun buuniyay Premier league.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here