LA OGAADAY: Xidig Muhiim Ah Oo Man United Ka Tirsan Oo Woodward La Hadlay, Wixii Uu Jose Mourinho Ka Fikirayay La Kulankiisii Woodward Iyo Xogo Qarsoon Oo Laga Helay Shaqo Ka Caydhintii Mourinho.

0

Ku dhawaad laba todobaad markii Jose Mourinho laga caydhiyay shaqada Manchester United waxaa soo baxaya faah faahino dheeraad ah iyo waliba sidii ay xaalada guud ee Man United ahayd maalintii uu Jose Mourinho waayay shaqadisii tababaranimo ee Old Trafford.

Manchester United ayaa shaqada ka caydhisay Jose Mourinho in 48 saacadood ka yar markii ay Red Devils guuldaro wayn oo 3-1 ah kala soo laabtay Liverpool laakiin markii go’aanka la shaaciyay lama ogayn wax badan oo la xidhiidhay qaabkii Mourinho shaqada looga caydhiyay.

Wargayska Sunday Times ayaa shaaciyay in sababta shaqo ka caydhintii Jose Mourinho uu dardar galiyay ciyaartoy muhiim ka ah United kaas o si toos ah ula hadlay Ed Woodward isla markaana ka dalbaday in Mourinho uu kooxda ka caydhiyo laakiin Sunday Times ayaa ka gaabsaday in ay shaaciyaan magaca ciyaartoygan muhiimka ah.

Qodobka labaad ee ka soo baxay shaqo ka caydhintii Mourinho ayaa ah in macalinka reer Portugal uu ka fikirayay in kulanka Woodward uu ku saabsanaa in ay ka wada xaajoodaan bartilmaameedyada suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha January laakiin kulankii ka dhacay xarunta tababarka ee Carrington ayaa Mourinho ku noqday mid u qaadan waa ah.

Halkii uu Jose Mourinho ka fikirayay in Ed Woodward uu kala hadlo saxiixyada ay samayn karaan bisha January waxa uu kulan 44 daqiiqo qaatay uu ugu sheegay in la soo gaadhay waqtigii uu kooxda ka bixi lahaa isla markaana uu yahay go’aan isla markiiba dhaqan galaya.

Jose Mourinho oo ay layaab ku noqotay in shaqada qaabkan looga joojiyay ayaa waxaa soo baxay qodob saddexaad oo layaableh kaas oo muujinaya sida Ed Wooward iyo maamulkiisu ay u bahdileen Jose Mourinho.

Ilwareed Manchester United ah ayaa shaaciyay in shan daqiiqo oo kaliya ay Man United ku qaadatay in ay soo nadiifiyaan xafiisyadii Jose Mourinho isla markii go’aanka laga sheegay saxaafada waxayna il wareedu sheegtay in 15 daqiiqo gudahood lagu soo gaba gabeeyay in joogitaankii Mourinho ee xafiiskiisa looga dhigay taariikh hore.

Il wareedka oo Manchester United gudaheeda ah ayaa sheegay in markiiba shaqaale hoosaadka loo diray in ay soo nadiifiyaan xafiiskii Jose mourinho isla shan daqiiqo kadib markii go’aanka loo sheegay waxayna kartoomo ku soo gureen wax walba oo uu Mourinho gaar u lahaa iyada oo xataa sawiradiisii iyo wax walba meesha laga saaray.

Wargayska Sunday Times ayaa sidoo kale sheegay in markii shaqada laga caydhiyay ay qaar ka mid ah ciyaartoyda Man United ku xafladeeyeen go’aanka ay kooxdoodu gaadhay iyada oo waliba hore loo sheegay in ay Carrick iyo Pogba arintan iskugu dhaceen.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here