La Ogaaday: Wakhtiga Uu Aaron Ramsey Qalinka Ku Duugi Doono Heshiiska Uu Ugu Biirayo Juventus Oo La Ogaaday

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Aaron Ramsey ayaa u muuqda mid qarka u saaran in uu si Rasmi ah u noqdo xiddig Juventus ah.

Aaron Ramsey ayaa lagu soo waramayaa in uu heshiiska uu ugu biirayo kooxda Juventus qalinka ku duugi doono jimcaha soo socda.

Sida laga soo xigtay Tuttosport kaliya Saxiixa Ramsey ayaa ka hadhsan in la dhamaystiro heshiiska xiddiga kaas oo qalinka ku duugi doona heshiis 5 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono 7.5 milyan euro.

Wargayska ayaa sheegaya in ay Juventus la saxixan karto xiddiga reer Wales inta lagu jiro bishan laakiin aan bixin doonin 20-ka milyan ee ay Arsenal dalbanayo.

Kooxda Juventus ayaa ku rajo weyn in ay heli doonto isku dheeli yirnaan sax ah ama ay sugi doonto ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay xor ugu hesho.

Heshiiska Ramsey ee Arsenal ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan kadib markii ay Arsenal kala laabatay heshiis ay u soo bandhigtay xiddiga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here