LA OGAADAY: Wakhtiga Ay Chelsea Shaqada Ka Caydhin Doonto Maurizio Sarri Oo La Ogaaday & Laba Tababare Oo Badali Doona

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay go,aansatay in wakhtiga ay shaqada ka caydhin doonto tababaraha cadaadisku saaran yahay ee Maurizio Sarri.

Chelsea ayaa la sheegayaa in ay shaqada kooxda ka caydhin doonto hadii ay chelsea guuldaro kala kulanto kooxda Man City Finalka Carabao cup-ka.

Waxa jira wal-wal weyn oo ay maamulka kooxdu ka qabaan natiijooyinka kooxda iyo waliba xiriirka Sarri ee taageerayaasha gaar ahaan kadib markii uu qirtay in uuna wax dan ah ka lahayn waxa ay taageerayaashu doonayaan kadib guuldaradii Man United ka soo gaadhay chelsea.

Sarri ayaa haatan u muuqda mid shaqadiisa waayi doona isaga oo shaqadiisa ay go,aamin doonaan kulanka Europa League ee Malmo iyo kulanka Man City ee Wembley ee Axada.

Tababaraha cadaadisku saaran yahay ayaa qirtay in uuna shaki ku jirin in uu mustaqbalkiisu khatar ku jiro hadii ay kooxdu hesho natiijooyin xun oo kale.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea shaqada tababare u dhiibi doonto tababaraha kooxda Derby County ahna halyeeyga kooxda ee Frank Lampard.

Si la mid ah tababaraha kooxda Juventus ee Max Allegri ayaa Zidane kula tartamaya shaqada kooxda chelsea marka la gaadho xagaaga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here