LA OGAADAY: Sababta Dhabta Ah Ee Ayna Chelsea Wali Shaqada Uga Caydhin Maurizio Sarri Oo La Ogaaday

Waxa laga yaabaa in uuna dareemayn laakiin tababaraha Kooxda chelsea ee Maurizio Sarri ayaa ah Nin Nasiib badan.

Maurizio Sarri iyo kooxdiisa ayaa mar kale soo bandhigay qaab ciyaareed Niyad jab leh kadib guuldaradii ay kala kulmeen kooxda Man United kulan ka tirsanaa FA Cup-ka.

Tababaraha ayuu saaran yahay cadaadis xoogan kadib guuldaradii Man United ka soo gaadhay taas oo keentay in laga reebo tartanka FA Cup-ka.

Laakiin Sarri ayaa Nasiib badan marka loo eego in uu yahay tababaraha Chelsea inkasta oo uuna wax is badal ah ku samayn kooxda.

Tababarayaashii ka horeeyay ee soo hogaamiyay chelsea ayaan shaqada sii haysan inta uu Sarri haysto kadin natiijooyinka xun ee ay kooxdu keento.

Wargayska The Sun ayaa haatan sheegaya in sababta uuna Milkiilaha Kooxda ee Roman Abramovich shaqada uga caydhin Sarri ayaa ah in uun mashquulsan yahay walina wakhti u helin xaalada kooxda chelsea.

Roman Abramovich ayaan joogin dalka England tan ilaa bilowgii bishii April ee sanadkii hore isaga mashquulsan kuna sugan dalka Russia.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here