La Ogaaday: Qorshaha Arsenal Ee Suuqa January Oo La Helay & Saddex Boos Oo Uu Doonayo In Uu Ka Xoojiyo kooxdisa

0

Kooxda Arsenal ayaan wali wax saxiix ah dhamaystirin suuqa Jananuary laakiin taas ayaan la macno ahayn in uuna Emery isha ku hayn suuqa.

Tababaraha Gunners ayaa qalibiga ku haya xiddigo uu ku xoojin karo kooxda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan

Arinta ka hor taagan in uu tababaraha reer Spain xoojiyo koxodiisa suuqa January ayaa ah qiimaha lacageed ee uu u baahan yahay.

Xilli ay kooxaha Man City, United iyo Liverpool ay leeyihiin milkiilayaal lacagta huraya sanadihii ugu dambeeyay Arsene Wenger iyo Hatan Emery ayaan u dhawayn lacagta ay suuqa galiyaan kooxaha kale.

Laakiin Emery ayaa ku fiican ku shaqaynta xiddigaha uu haysto waana sababta ay Arsenal ugu dooratay in uu dooratay in uu noqdo badalkii Wenger.

Saxafiga Wargayska mirror ee John Cross ahna taageere Arsenal ah kuna dhaw kooxda ayaa shaaca ka qaaday 3 boos oo ay arsenal xoojin doonto.

Saxiixa ugu horeeya ee uu Emery doonayo ayaa ah in uu la soo saxiixdo daafac dhexe taas oo aan la yaab ku noqon doonin taageerayaasha Arsenal.

Daafaca Gunners ayaa ku jira qaab ciyaareed Liita iyaga oo aan koox kaliya ka ilaashan karin shabaqooda xitaa hadii ay goolal dhaliyaan.

Saxiixa labaad ee uu Emery doonayo ayaa ah xiddig khadka dhexe ah oo uu ku buuxiyo booska xiddiga Aaron Ramsey oo ka sii jeeda kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ugu Dambayn saxiixa saddexaad ee uu Emery doonayo ayaa ah xiddig ka ciyaari garabka weerarka hadii ay tahay bidix ama Midig.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here