La Ogaaday: Mohamed Salah Oo Sabab U Ahaa Khilaafkii Soo Kala Dhex Galay Romelu Lukaku & Paul Pogba Kadib Kulankii Southampton

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa sabab u noqday isku dhicii xiddigaha Paul Pogba iyo Romelu Lukaku kadib guushii ay Man United ka gaadhay kooxda Southampton.

Romelu Lukaku ayaa dhaliyay 2 gool kulankaas laakiin waxa uu dhalin kara saddexley laakiin Paul Pogba ayaa ka hor istaagay arintaas.

Man United ayaa heshay rikoodhe qaybtii dambe ee ciyaarta waxana uu Lukaku doonayay in uu laagto si uu u dhaliyo saddexleydaas.

Laakiin Paul Pogba oo ah xiddiga 1-aad ee rikoodhayaasha u laagta Man United ayaa qaatay isaga oo iska khasaariyay i uu gool u badalo.

Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay labada xiddig ku murmeen markii ay qolka Labiska soo galeen iyada oo uu Lukaku doonayay in uu dhaliyo goolka 3-aad.

Romelu Lukaku ayaa Xiddiga ay isku kooxda yihiin xasuusiyay qaabkii uu Mohamed Salah saaxiibkiisa Roberto Firmino ugu daayay in uu dhaliyo saddexley kulankii ay Liverpool garaacday Arsenal.

Roberto Firmino ayaa dhaliyay 2 gool qaybtii hore ee ciyaarta kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay Arsenal laakiin Mohamed Salah ayaa ah xiddiga 1-aad ee u laaga Liverpool rikoodhayaas.

Laakiin taas ayaan Salah ka hor istaagin in uu saaxiibkiis u daayo si uu dhaliyo saddexleydiisii ugu horaysay ee kooxda Liverpool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here