La Ogaaday: Liverpool Oo Philippe Coutinho U Isticmaashay Soo Xero Galinta Alisson, Xitaa Markii Uu Kaga Biiray Barcelona, Qaab Noocee Ah?

Kooxda Liverpool ayaa Philippe Coutinho u isticmaashay soo xero galinta Goolhaye Alisson Becker xitaa markii uu kaga biiray kooxda Barcelona suuqii Janaury ee sanadkii hore.

Waxa sidaas sheegtay saxafiyada ku dhaw kooxda Liverpool ee Melissa Reddy.

Reds ayaa xagaagii baanka u jabisay Alisson waxana uu goolhayuhu saamayn fiican ku yeeshay Kooxda tan ilaa markii uu ku soo biiray.

Allisson ayaa sabab u ah in ay Liverpool hogaanka u hayso horyaalka isaga oo shabaqiisa ilaashaday 13 kulan oo ka mid ah 23-ka kulan ee ay Reds ciyaartay.

Sida laga soo xigtay Melissa Reddy Reds ayaa ka faa,iidaystay xiriirka kala dhexeeya Goolhaye Alisson iyo Coutinho intii ay joogeen waajibaadka xulka qaranka Brazil.

Coutinho iyo Firmino ayaa xiisaha Liverpool u qabto xiddiga u gudbiyay goolhayaha 26 jirka ah xilli ay tartan kala kulmeen kooxaha Real Madrid iyo chelsea.

Arintan ayaa dhacday inkasta oo uu Philippe Coutinho suuqii January ee sanadkii hore ka tagay kooxda Liverpool kuna biiray Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here