La Ogaaday: Laba Kooxood Oo Uu Cristiano Ronaldo Doonayo In Ay Kooxdiisu Ku Aado Wareega 8 Dhamaadka Champions League

0

Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa Juventus ku hogaamiyay 8 dhamaadka tartanka champions League kadib saddexley uu ka dhaliyay Atletico Madrid.

Xiddiga reer Portugal ayaa haatanba kooxdiisa u muujiyay sababtii ay ula soo saxiixdeen kadib markii uu kaligii dhabarka saartay kooxda una gudbiyay wareega xiga.

Juventus ayaa khatar weyn ugu jirtay in ay ka hadho tartanka marka loo eego in ay guuldaro 2/0 ah kala soo kulmeen Atletico Madrid lugtii hore.

Kadib markii uu Juventus ka caawiyay in ay u gudubto wareega xiga ee tartanka champions League Cristiano Ronaldo ayaa haatan doortay 2 kooxood oo uu doonayo in uu ku aado wareega 8 dhamaadka.

Sida laga soo xigtay Wargayska calciomercato Cristiano Ayaa Doonaya in ay Juventus midkood ku aado kooxaha Barcelona ama Man United.

CR7 ayaa doonaya in uu Man United uga aarsado guuldaradii ay dhabarka u saareen lugtii 2-aad ee wareega Group-yada halka uu Barcelona u doonayo in uu tartanka ka reebo xiddiga ay sida weyn u xafiitamaan ee Lionel Messi.

Man United aya iyadu us oo baxday wareega 8 dhamaadka tartanka laakiin Barcelona ayaa caawa la ciyaari doonta Lyon iyada oo wandaha farta ku haysa iskana ilaalinaysa lama filaan ku dhaca.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here