La Ogaaday: Kooxdii Ay Xiddigaha Real Madrid Doonayeen In Ay Ku Aadan Semi-finalka Copa Del Rey-ga Oo La Ogaaday

Wargayska AS Ayaa shaaca ka qaaday lama filaan weyn kadib markii uu shaaca ka qaaday kooxdii ay xiddigaha Real Madrid doonayeen in ay ku aadaan Semi-finalka Copa Del Rey-ga oo la sameeyay jimcihii.

Xiddigaha Real Madrid ayaa doonayay in ay ku aadaan kooxda Barcelona semi-finalka Copa Del Rey-ga sida uu kashifay wargayska AS.

Isku aadka ayaa ugu dambayn u rumeeyay wixii ay xiddigaha Real Madrid doonayeen kadib markii ay isku dheceen kooxda Barcelona.

Koxoda Barcelona ayaa marti galin doonta Real Madrid 6 bishan ayn ku jirno kuna beegan Arbacada ka hor inta ayna 27 bishan lugta 2-aad la ciyaarin kulan ka dhici doona Bernabue.

Sida laga soo xigtay wargayska Ka soo baxa Spain xiddigaha Real Madrid ayaa doonayay in ay la ciyaaraan Barcelona laba kulan si ay finalka u gaadhaan.

Xiddigaha Real Madrid ayaa doonaya in ay garoonka Camp Nou kala soo baxaan natiijo fiican ka hor inta ayna garoonkooda la iman.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here