La Ogaaday: Jose Mourinho Oo Tababare U Noqon Doona Koox Uu Horay U Soo Maamulay, Chelsea, Inter Mise Real Madrid?

Tababare Jose Mourinho ayaa indha-indhayn ugu jira shaqadiisa cusub ee tababarimo kadib markii laga caydhiyay Man United bishii December ee sanadkii hore.

Madaxweynihii hore ee kooxda Real Madrid ee Roman Calderon ayaa sheegay in uu si weyn u filayo in uu Jose Mourinho noqon doono tababaraha Real Madrid xilli ciyaareedka dambe.

Tababaraha reer Portugal ayaa bilaa shaqo ah tan ilaa markii laga caydhiyay shaqada Man United bishii Decmber waxana uu saddex sano ku qaatay kooxda Real Madrid intii u dhexaysay 2010 ilaa 2013.

Kooxda Real Madrid ayuu haatan hogaamiyaa tababare Santiago Solar kaas oo laga soo dalacay kooxda da,yarka markii shaqada laga caydhiyay Julen Lopetegui bilowgii xilli ciyaareedkan.

Solari ayay maamulka kooxdu u arkaan tababare ku meel gaadh ah inkasta oo ay heshiis buuxa ka saxiixdeen kadin natiijooyin fiican oo uu kooxda ku hogaamiyay.

Laakiin Los Blancos ayaa 9 dhibcood ka dambaysa hogaamiyayaasha horyaalka La Liga ee Barcelona waxana ay todobaadkan ka hadheen tartanka Copa Del Rey-ga.

Sida laga soo xigtay Calderon jose Mourinho ayaa ku soo laaban doona Real Madrid inkasta oo ay isku dheceen qaar ka mid ah madaxda kooxda wakhtigii uu joogay.

“Waxa aan dareensanahay waliba si aad ah in uu Jose Mourinho noqon doono tababaraha Real Madrid xilli ciyaareedka dambe”ayuu Calderon yidhi.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here