La Ogaaday: Hadaladii Uu Diego Costa Ku Yidhi Garsoorihii Dhex-dhexaadinayay Kulankii Barca & Atletico Kaadhka Cas-na Ugu Taagay Oo La Ogaaday

0

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa shaaca ka qaaday wixii uu Diego Costa Ku Yidhi Garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulankii Barcelona iyo Atletico Madrid sababtana u noqday in ciyaarta laga saaro kulankii ay Barcelona 2/0 uga badisay Atletico Madrid.

Diego Costa ayaa kaadhka cas ee tooska ah loo taagay daqiiqadii 28-aad kulankii ay Atletico Madrid la ciyaarasay kooxda hogaanka u haysa horyaalka La Liga ee Barcelona.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu Diego Costa Af lagaadeeyay hooyada dhashay garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulanka taas oo keentay in uu u taago kaadhka cas ee tooska ah.

Isla wargayska AS ayaa sheegaya in daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique soo dhex galay arinta iskuna dayay in uu dajiyo cadhada Diego Cost kadib markii ciyaarta laga saaray.

Pique ayaa Cost ku yidhi” Aamus hada, Maxaad doonaysaa kadib markii aad Aflagaadaysay garsooraha? ma waxa aad doonaysaa in lagu ganaaxo 4 kulan? kadib Costa ayaa si toos ah uga baxay garoonka una dhaadhacay qolka Labiska.

Costa ayaa markii 4-aad loo taagay gaadhka cas xirfadiisa ciyaareed iyada oo sidoo kale markii ugu kaadhka cas loo taagay xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here