LA OGAADAY: Guulaystayaasha & Guuldaraystayaasha Soo Laabashada Zinedine Zidane Ee Real Madrid Iyo Hal Ciyaartoy Oo Ka Shalaynaya Hadalkii Uu Zidane Ka Daba Tuuray.

0

Soo laabashada Zinedine Zidane ee Real Madrid cid kastaba guul uma aha waxaana jira ciyaartoy gaar ah oo ay guuldaro wayn uga dhigan tahay. Waxaa jira hal ciyaartoy oo sababtiisa uu Zidane uga baxay Bernabeu waana kan ugu liita ee ay hadda ay suurtogalka tahay in aanu xalay ka seexan soo laabashada Zidane.

Laakiin sidoo kale waxaa jira ciyaartoy kale oo hadal uu hadda ka shaqaynayo ka daba tuuray markii uu Zidane shaqada Madrid iska casilay laakiin waxay guul wayn u tahay xidigo kale oo doorkoodii Madrid la curyaamiyay.

Sida caaddada ah, markasta oo uu isbadal dhinaca tababaraha ahi ka dhaco koox waxay faa’iido u noqotaa ciyaartoy aan markii hore aan door haysan halka ay dhibaato ku noqoto kuwo shaxda boos joogto ah ku haystay waxaana taas laga soo arkay waqtiyadii Julen Lopetegui iyo Santiago Solari.

Haddaba waa kuwee Guulaystayaasha soo laabashada Zinedine Zidane ee Real Madrid?

Xidiga ugu horeeya ee farxad ku soo dhawaynaya soo laabashada Zidane waa Isco kaas oo gabi ahaanba ka baxay doorkii uu Real Madrid ku lahaa muddadii uu Solari maamulayay Bernabeu wuxuuna hadda Isco rajaynayaa in uu dib u soo nooleeyo waayihiisii Los Blancos.

Isco ayaa gaadhay heer uu xataa iska diido in uu ku safro buska kooxdiisa Real Madrid kadib markii uu Solari ka saaray liiska kooxdiisa, hadda ma aha shaxda kooxdiisa ee guud ahaan liiska 18 ka xidig ee kulankii Ajax, waxayna taasi keentay in anshax marin lagu sameeyo xidiga reer Spain.

Muddadii uu Solari joogay Bernabeu waxay Isco u ahayd ciqaabtii ugu xumayd, wuxuuna hadda rajaynayaa in soo laabashada Zidane ay waayihiisa ciyaareed badbaadin doonto.

Waxa kale oo soo laabashada Zidane si wayn u soo dhawayn doona goolhaye Keylor Navas kaas oo markasta muhiimada kowaad u ahaa Zidane isla markaana ka mid ahaa sababihii uu isku casilay markii uu Zidane ku adkaystay in uu sii ahaado goolhayaha kowaad.

Navas ayaa soo qaatay xili ciyaareed uu kursiga kaydka ku caajisay waxaana booskiisii la siiyay Courtois oo xili ciyaareed aad u liita soo qaatay.

Xidiga saddexaad ee soo dhawaynaya in Zidane uu kooxda ku soo laabtay waa Marcelo oo isna gabi ahaanba lumiyay booskii uu waqtiga dheer soo haystay ee difaaca bidix kaas oo Solari siiyay da’yarka Sergio Reguilon.

Zidane iyo Marcelo waxaa ka dhexeeya xidhiidh cajiib ah wuxuuna xidiga reer Brazil rajaynyaa in uu hadda soo ceshan doono booskiisii isla markaana uu ka bixi doono murugadii soo martay.

Marco Asensio ayaa ka mid ah ciyaartoyda sida wayn u soo dhawaynaya soo laabashada Zidane maadaama oo uu Solari ahaa tababarihii kaydka ku dilay Asensio wuxuuna xidiga reer Spain hadda noqon doonaa mid muhiimad fiican la siin doono.

Waa Kuwee Guuldaraystayaasha Soo Laabashada Zidane Ee Real Madrid?

Xidiga kowaad ee soo laabashada Zidane ay sida dab lagu qabtay u tahay waa Gareth Bale kaas oo ay hadda u muuqato in uu iskaga huleeli doono Santiago Bernabeu ama in uu aqbali doono wax walba oo uu Zidane go’aan ku gaadho.

Gareth Bale waxa uu finalkii Champions league kadib shaaciyay in uu diyaar u ahaa in uu ka baxo Madrid isaga oo sababta ku sheegay in aanu haysan wixii uu doonayay oo ahaa doorkii uu shaxda Madrid ku lahaa, wuxuuna garowsho wayn ka helay Florentino Perez oo xidiga reer Wales la soo saftay.

Laakiin Zidane oo doonayay in Cristiano Ronaldo uu joogo isla markaana uu Bale iska bixi karo ayay Perez isku khilaafeen, waxaana muuqata in Bale uu waji gabax kala kulmi doono soo laabashada Zidane.

Xidiga kale oo wadno ka xanuunayo soo laabashada Zidane waa Dani Ceballos kaas oo waraysi uu bixiyay ku duray xaaladii uu Real Madrid kaga jiray markii uu Zidane joogay.

“Zidane ayay tahay inuu sharraxaad ka bixiyo, sababta uu fursado ii siin waayey. Si adag ayaan anigu u shaqeeyey, waxaanan isku dayey inaan ku cadaadiyo inuu fursad isiiyo laakiin waqtiga ayaa kaa hor imanaya marka aad aragto in aanay macquul ahayn (inaad qanciso)” Sidaas ayuu yidhi Ceballos oo waraysigaa ka hadlayey, iyadoo uu muujinayey inuu ka raystay Zidane.

Ceballos oo hadalkiisa sii watay waxa uu tilmaamay inuu ka fikirayey sidii uu uga tegi lahaa Real Madrid haddii Zidane sii joogo, waxaanu yidhi: “Way iska caddayd in haddii Zidane uu shaqada sii wado aan iska bixi lahaa, laakiin imaatinka Julen Lopetegui ayaa wax walba oo adkaa beddelay.”

Goolhaye Courtois, Mariano Diaz, Vinicius Jr, Vallejo, Marco Llorente iyo xidigo badan oo kale ayay hubanti la’aani ku dhacday mustaqbalkooda inkasta oo la sugayo qaabka uu Zidane ku maraayn doono xaalada Navas iyo Courtois.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here