La Ogaaday: Christian Pulisic Oo Seegi Kara Dhamaan Isku Diyaarinta Chelsea Ee Xilli Ciyaareedka Dambe, Sabab

0

Xiddiga Cusub ee kooxda chelsea ee Christian Pulisic ayaan kooxdiisa chelsea la bilaaban doonin isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in xiddiga khadka dhexe ee Christian Pulisic uu seegi doono dhamaan isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee kooxda chelsea xilli uu dalka America doonayo in uu xiddigu uga qab galo tartanka xagaaga ee Gold Cup.

Xulka Qaranka America ayaa doonaya in uu tartankaas kaga qayb galo xiddigohooda ugu fiican iga oo Christian Pulisic ku dari doona xiddigaha uga qayb gali doona tartanka CONCACAF ee bilaabmi doona 15 bisha June kaas oo socon doona ilaa 7 bisha July.

Hadii ay tartanka ka gaadhaan wareegyada dambe 20 jirkan ayaa seegi doona dhamaan kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee kooxda chelsea maadama xiddiga la siin doono 3 todobaad oo fasax nasasho ah ka hor inta uuna xilli ciyaareedka cusub bilaaban.

Sababtii uu Pulisic u diiday in uu chelsea ku soo biiro suuqii January ayaa ahayd in uu doonayay in uu marka hore kooxda la bilowdo is diyaarinta xilli ciyaareedka cusub si uu u helo fursad uu ula qabsado kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here