Kylian Mbappe Oo Kashifay Meesha Uu Ka Ciyaari Doono Xilli Ciyaareedka Dambe.

Da,yarka aadka loo qiimeeyo ee Kylian Mbappe ayaa si Rasmi ah u shaaciyay halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe.

Real Madrid ayaa dhirbaaxo la kulantay kadib markii uu Kylian Mbappe si cad u qirtay in uu sii joogi doono kooxda PSG Xilli ciyaareedka dambe.

Da,yarka ayaa si weyn loola xiriirinayay in uu ku biirayo kooxda PSG.

Inkasta oo ay kooxda PSG si fool xumo leh uga hadhay champions League Kylian Mbappe ayaa hadana rumaysan in ay kooxdu tahay kooxda saxda u ah mustaqbalkiisa waliba doonayo in uu ka qayb ahaado.

Isaga oo la hadlaya Telefoot ayuu yidhi” Waxa jira dad badan oo uu shaki weyn kaga jiro laakiin waxa aan ku kalsoonahay mashruucan waxana aan joogi doonaa PSG shaki la,aan”.

“Xitaa wixii dhawaan dhacay waxa aan ogaa ka hor intii ayna dhicin”.

Madrid ayaa doonaysay in ay 20 jirkan gacanta ku dhigto iyaga oo xitaa doonayay adeegiisa ka hor intii uuna PSG ku biirin.

Xiisaha Los Blancos ayuu sii xoogaystay kadib qaab ciyaareedkii cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay koobkii adduunka Russia 2018.

Laakiin waxa ay u muuqataa in uu Mbappe sii joogi doono kooxda PSG xilli ciyaareedka dambe.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here