Kulanka Caawa Dhex Mari Doona Liverpool & Liecester City Ee Premier League Oo Khatar Ugu Jira In La Baajiyo, Sabab.

Kulanka u dhexeeya Liverpool iyo Leicester City kana tirsan premier League ee ka dhici doona garoonka Anfield ayuu shaki weyn soo galay in la baajin doono.

Liverpool ayaa kulan muhiim ah ku marti galin doonta kooxda Leicester City caawa 11:00 habeenimo ee saacada geeska Africa.

Reds ayaa fursad u haysata in ay 7 dhibcood ku qabato hogaanka horyaalka premier League kadib guuldaradii soo gaadhay Man City xalay.

Xaalada Jawiga ayaa si aad ah u xumaatay maalmihii ugu dambeeyay laakiin kulamadii salaasada ee premier League ayaa sidooda u dhacay.

Laakiin waxa laga yaabaa in ayna sidaas xaaladu ahaan doonin kulanka caawa ka dhacaya Anfeild iyada oo laga yaabo in la baajiyo kulanka sabab la xidhiidha baraf si weyn u soo daatay.

Garoonka Anfield ayaa leh ayaa leh qalab dhalaaliya Barafka sidaas darteed waa lagu ciyaari karaa ciyaarta hadii uu barafku soo daato ciyaarta ka hor.

Laakiin sababta ugu weyn ee kulanka loo baajin karo ayaa ah in ayna taageerayaashu si nabad ku iman doonin garoonka ciyaarta.

Maamulka kooxda Liverpool ayaa ka fikiraya nabad galyada taageerayaasha iyada oo uu barafku haysto wadooyinka iyo geedaha taas oo la macno in kulanka la baajin karo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here