Kulanka Caawa Dhex Mari Doona Crystal Palace & Man United Oo La Dalbaday In La Baajiyo & Sabab La Yaab Leh Oo Ka Dambaysa

0

Kulanka U Dhexayn doona kooxaha Crystal Palace iyo Man United kana tirsan horyaalka premier League ayaa lagu soo waramayaa in sabab la yaab leh loo baajin karo.

Saxafiga caanka ah ee Adrian Durham ayaa dalbaday in la baajiyo kulanka ay Man United booqan doonto Crystal Palace sabab la xidhiidha dhaawacyada badan ee Man United.

Man United ayaa la filayaa in ay dhaawac ku waydo 10 xiddig oo ka mid ah kooxda 1-aad kulanka ay caawa la ciyaari doonto Crystal Palace.

Xiddigaha Ander Herrera, Jesse Lingard & Juan Mata ayaa ku dhaawacmay kulankii Liverpool ee Axadii halka xiddigaha Nemanja Matic & Anthony Martial ay sidoo kale seegi doonaan kulanka sabab la xidhiidha dhaawac.

Marcus Rashford ayuu dhankiisa shaki weyn ku jiraa kadib markii uu dhaawac ku ciyaaray kuna dhamaystay kulankii Liverpool.

Phil Jones ayaa dhankiisa xanuun ku seegi doona kulanka halka ayna xiddigaha Antonio Valencia & Matteo Darmian wali dhaawac ku maqan yihiin si la mid ah da,yarka Mason Greenwood.

Sidaas darteed Durham ayaa rumaysan in ay maamulka Premier League baajiyaan kulankaas go,aana ka qaataan arintaas.

“Kulanka Crystal Palace, Man United ayay dhaawac uga maqan yihiin 10 xiddig”ayuu yidhi.

“Waxa ay arintaas haatanba haysataa baraha bulshada sidaas darteed waxa fiican in la baajiyo kulank”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here