Kulan Xiiso Leh Man United Oo Garaacday Southampton Kaalinta 4-aadna Kala Wareegtay Arsenal.

Kooxda Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Southampton kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa premier League.

Man United ayaa si cajiib ah ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo maamulayay kulanka laakiin Southampton ayaa qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo halis ah.

Kulanka ayaa ahaa mid la kala dhaliyay goolla wareer ah oo aad u qurux badan oo ay labada kooxood kala dhaliyeen.

Daqiiqadii 26-aad ayay Southampton dhalisay gool wareer ah oo aad u qurux badan iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Yann Valery kaas oo kooxdiisa hogaanka u dhiibay.

Man United ayaa isku dayday in ay dhaliso goolka bar-baraha iyaga oo sameeyay fursado fiican laakiin ka faa,iidaysan waayay.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Kooxda Southampton ku hogaaminayso 1/0 laakiin kulanku ahaa mid fiican.

Qaybtii dambe ayay United ku bilaabatay si wareer ah oo ay ku doonaysay in ay Southampton kaga dhaliso goolka bar-baraha.

Laakiin qaab ciyaareedkooda ayuu hoos u dhigay dhaawac soo gaadhay xiddiga Alexis Sanchez kaas oo ku qasbanaaday in uu ka boxo ciyaarta.

Dhaawacaas ayaaba nasiib fiican u lahaa Man United waxana ay daqiiqadii 53-aad dhaliyeen goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Andreas Pereira isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Man United ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayeen goolal kale iyo waliba in ay mar kale hogaanka u qabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 59-aad ayay dhaliyeen goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Romelu Lukaku kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Man United hogaanka ku qabatay.

Kulanka ayaa sii noqday mid xiiso leh iyada oo ay labada kooxoodba raadinayaan sidii ay goolal kale u dhalin lahaayeen.

Southampton ayaa daqiiqadii 75-aad dhalisay goolka 2-aad ee bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga James Ward Prowse kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/2.

Laakiin Red Devils ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii raadiyeen in ay goolal kale dhaliyaan mar kalena hogaanka u qabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 89-aad ayuu mar kale Romelu Lukaku Man United u dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta isaga oo ka dhigay 3/2 ay United ciyaarta ku hogaaminayso.

Kooxda Man United ayaa daqiiqadii ugu dambaysay heshay rikoodhe laakiin Paul Pogba ayaa iska khasaariyay.

Waxana sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay man United sidaas ku gaadhay guul cajiib ah oo soo laabasho leh.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here