Kulamada Muhiimka Ah Ee U Hadhay Man Utd, Arsenal, Tottenham & Chelsea Ee Go,aamin Kara Tartanka Kaalinta 4-aad.

0

Tartanka Loogu jiro 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka premier League ayaa sii xoogaysanaya iyada oo la arki doono todobaadyada ugu xiisaha badan kulamada soo socda.

Guushii ay Arenal ka gaadhay Man United ayaa Red Devils u celisay kaalinta 5-aad halka ay Arsenal kaliya hal dhibic ka dambayso kooxda Tottenham ee kaalinta 4-aad.

Chelsea ayaa dhankeeda dhibic dirqi ah ka heshay kooxda Wolves kadib markii ay daqiiqadihii ugu dambeeyay goolka dhalisay.

Sidaas darteed tartanka kaalinta 3-aad iyo 4-aad ayaa ah mid aad u furan iyada oo ay kooxaha Tottenham, Arsenal, Man United iyo waliba chelsea dhamaantood fursad u haystaan u soo bixista champions League.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa kulamada u hadhay koox kasta waliba go,aanin kara kaalmaha u soo bixi doona champions League.

KULAMADA U HADHAY TOTTENHAM:

Baaqi: Crystal Palace (Minin)

Mar 31: Liverpool (Marti)

Apr 7: Brighton (Minin)

Apr 13: Huddersfield (Minin)

Apr 20: Man City (Marti)

Apr 27: West Ham (Minin)

May 4: Bournemouth (Marti)

May 12: Everton (Marti)

Tottenham ayaa ciyaari doonta 2 kulan oo adag iyada oo marti u noqon doonta kooxaha Man City iyo Liverpool halka ay sidoo kale marti u noqon doonto kooxda Bournemouth ka hor inta ayna garoonkooda cusub u dhaqaaqin.

KULAMADA U HADHAY ARSENAL:

Baaqi: Wolves (Minin)

Apr 1: Newcastle (Minin)

Apr 7: Everton (Marti)

Apr 15: Watford (Marti)

Apr 20: Crystal Palace (Minin)

Apr 29: Leicester (Marti)

May 4: Brighton (Minin)

May 12: Burnley (Marti)

Tababaraha Arsenal ee Unai Emery ayaa saxay shaxdiisa isaga oo kooxdiisa ku hogaamiyay guul ay ka gaadheen Man United ugu soo laabteen kaalinta 4-aad.

Gunners ayaa haatan ugu cad-cad in ay ku dhamaysato kaalinta 4-aad ama 3-aad marka loo eego in ay kulamada u hadhay dhamaan yihiin kulamo fudud oo ayna la ciyaari doonin 6-da kooxood ee ugu saraysa.

KULAMADA U HADHAY MANCHESTER UNITED:

Mar 30: Watford (Minin)

Apr 2: Wolves (Marti)

Apr 13: West Ham (Minin)

Apr 21: Everton (Marti)

Apr 24: Man City (Minin)

Apr 28: Chelsea (Minin)

May 4: Huddersfield (Marti)

May 12: Cardiff (Minin)

Man United ayaa ku jirta qaab ciyaareed fiican inkasta oo ay guuldaro kala kulmeen Arsenal Ole Gunnar Solskjaer ayaa Red Devils ka dhigay koox aad u fiican intii uu la wareegay kooxda.

Si kasta ha ahaatee Man United ayay u hadheen kulamo aad u adag iyada oo qaab isku xigta la ciyaari doonta kooxaha Chelsea iyo Man City halka ay sidoo kale marti u noqon doonto kooxda Wolves oo waaweynka ciqaabtay xilli ciyaareedkan.

KULAMADA U HADHAY CHELSEA:

Baaqi: Brighton (Minin)

Mar 17: Everton (Marti)

Mar 31: Cardiff (Marti)

Apr 8: West Ham (Minin)

Apr 14: Liverpool (Marti)

Apr 22: Burnley (Minin)

Apr 28: Man Utd (Marti)

May 4: Watford (Minin)

May 12: Leicester (Marti)

Kooxda Chelsea ayaa ku jirta qaab ciyaareed liita iyaga oo aan haysan kalsooni weyn tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

Blues ayaa wajihi doonta kulamo adag marka ay marti u nooqn doonto kooxaha Liverpool, Man United halka ay sidoo kale booqan doonaan Everton iyo Leicester City.

Chelsea ayaa ugu cad-cad in ay seegto kaalmaha ugu sareeya marka loo eego kulamada adag ee u hadhay iyo waliba kalsooni darada ay ku jiraan xiddigaha Chelsea.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here