Kulamada Man City Uga Hadhay Dhamaadka Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan

Kooxda Man City ayaa u dagaalamaysa sidii ay u noqon lahayd kooxdii ugu horaysay ee laba horyaal oo xiriir ah ku guulaysata premier League muddo dheer kadib.

Citizen ayaa kaalinta 2-aad kaga jira kala saraynta horyaalka Laakiin kaliya hal dhibic ka dambeeya kooxda Hogaanka u haysa premier League ee Liverpool.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa ugu cad-cad in ay ku guulaystaan horyaalka premier League xilli ciyaareedkan marka loo eego tayada xiddigaha ay haystaan.

City ayaa Arbacada marti galin doonta kooxda West Ham kulan ay isha ku hayso 3-da dhibcood ee kulanka si ay cadaadiska ugu hayso Liverpool.

Ka hor inta ayna kulankaas ciyaarin City ayay 11 kulan uga hadheen dhamaadka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Man City ayay kaliya 2 kulan oo waaweyn ugu jiraan kulamadaas kuwaas oo kala ah Tottenham iyo Man United.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 11 kulan ee u hadhay man City horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Man City Vs West Ham

Bournemouth Vs Man City.

Man City Vs Watford

Fulham Vs Man City

Man City Vs Cardiff City

Crystak Palace Vs Man City

Man City Vs Tottenham

Man United Vs Man City

Man City Vs Leicester City

Brighton Vs Man City

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here