Ku Digashadii Barceloon, Lionel Messi & Hadaladii Kevin-Prince Boateng Ka Yidhi Kooxdiisa Cusub

0

Wargayska AS ayaa shaaca ka qaaday hadalo uu saxiixa cusub ee kooxda Barcelona ee Kevin-Prince Boateng ka yidhi kooxda Barcelona uguna digtay iyo amaantii uu amaanay Xiddiga Cristiano Ronaldo.

Kevin-Prince Boateng ayaa xalay si Rasmi ah u noqday xiddig Barcelona ah isaga oo ugu biiray heshiis amaah ah oo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah.

Kevin-Prince Boateng ayaa 4 bilood ka hor yidhi” Aniga ahaan Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu fiican adduunka, Kabtanka reer Portugal waxa uu gaadhay darajo ay waajib nagu tahay in aan ixtiraamno”.

Xiddiga 31 jirka ah oo ku diganaya kooxda Barcelona ayaa yidhi”Miyay Tabeen Bixitaankii Neymar? Kaliya Waydii Iyaga”.

Kevin-Prince Boateng ayaa Lambarka 19 u xidhan doona kooxdiisa Barcelona waxana uu ku rajo weyn yahay in ayna taageerayaasha, Messi iyo kooxda Barcelona iska iloobeen hadaladaas.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here