Ku Biiristii Eden Hazard Ee Real Madrid Oo Khatar Ku Jirta & Neymar Oo Sabab U Ah.

Ku biiristii Eden Hazard ee kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay khatar ku jirto kadib markii ay kooxda Real Madrid bartilmaameedkeeda 1-aad ee xagaaga ka dhigatay xiddiga kooxda PSG ee Neymar.

Xiddiga reer Belguim ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican yurub tan ilaa markii uu chelsea kaga soo biiray Lille sanadkii 2012.

28 jirkan ayaa Blues u dhaliyay in ka badan 100 gool isaga oo kooxda kula guulaystay 2 premier League, FA Cup iyo Europa League.

Inkasta oo uu wakhti fiican la qaadanayo Kooxda reer London hadana Hazard ayaa si cad u sheegtay in uu doonayo in uu u ciyaaro Real Madrid.

Laakiin wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Real Madrid bartilmaameedkeeda 1-aad ka dhigatay xiddiga kooxda PSG ee Neymar marka la gaadho xagaaga.

Xiddigii hore ee Barcelona ayaa doonaya in uu ku laabto La Liga kadib 2 xilli ciyaareed oo uu ku qaatay Horyaalka League 1.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here