Ku Biirista Gonzalo Higuain Ee Kooxda Chelsea Oo Khatar Ugu Jirta In Ay Bur-Burto & Dhaw Arimood Oo Sabab U Ah

Ku biirista Gonzalo Higuain ee kooxda chelsea ayaa khatar ugu jirta in ay bur-burto iyo dhaw arimood oo sabab u ah.

Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in ay socdaan wadahadalo u dhexeeya 3-da dhinac ee Ac Milan oo uu amaah ku joogo xiddigu, Juventus oo xiddiga iska leh iyo Chelsea oo doonaysa xiddiga.

Laakiin Heshiiska ayay adkaynayaan dhawr arimood.

Waxa la sheegayaa in ay chelsea marka hore u baahan tahay in ay xaliso heshiiska Amaahda ah ee uu Gonzalo Higuain kula joogo Ac Milan oo lagu heshiiyay dhawr arimood iyada oo arimahaas u baahan yihiin in laga wadahadalo.

Kooxda Ac Milan ayaa intaas kadib u baahan in ay la soo saxiixato xiddiga Weerarka uga ciyaara kooxda Genoa ee Krzysztof Piatek si ay ugu buuxiso booska Higuian.

Chelsea ayaa sidoo kale u baahan in ay boos u banayso xiddiga isla markaasna xiddig ka iibiso kooxdeeda iyada oo u badan in ay Atletico Madrid ka iibiso Alvaro morata.

Dhanka kale kooxda Atletico Madrid ayaa u baahan in ay iibiso xiddigo kale si ay Alvaro Morata ugu hesho mushaharkiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here