“Kooxdan Ayaa Fiicna… Mayee Kooxdan Kale Ayaa Fiican” Liverpool & Man City Oo Ciyaar Maskaxeed Isku Adeegsanaya Ka Hor Kulanka Caawa.

0

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in ay tahay kooxdiisu in ay xanaaqsanaato si ay u garaacaan kooxda ugu fiican adduunka ee Man City.

Dhanka kale tababare Pep Guardiola ayaa kooxda Liverpool ku tilmaamay kooxda ugu fiican yurub halka uu Klopp oo kooxdiisu 7 dhibcood ka horayso City sheegay in ay wali man city tahay kooxda ugu fiican adduunka.

Tababaraha Liverpool ayaa yidhi” Waa in aan kulanka ku soo galno sida ugu fiican ee suurtagalnimada ah, waa in aan muujino geesinimo iyo rabitaan laakiin waxa aan ognahay in ay Man City tahay kooxda ugu fiican adduunka”.

“Taas ayaa 100% ah fikradayda, Sida ay u ciyaaraan waxa ay ku guulaysteen waaxa ay ku guulaysan doonaan, ma jiro wax is badalay waa koox awood leh oo uu hogaamiyo tababare cajiib ah”.

“Anaguna waxa aan nahay koox aad iyo aad iyo aad u fiican waana sababta aan 6 dhibcood ugu hayno hogaanka horyaalka waana sababta aan u helnay natiijooyinka fiican laakiin waa in aan u diyaar garawno kulankan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here