Kooxda Uu James Rodriguez Ka Ciyaari Doono Xilli Ciyaareedka Dambe Oo La Ogaaday

Xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez ayaan u muuqan mid ku soo laaban doona kooxda Real Madrid marka uu dhamaysto heshiiskisia amaahda ah.

Madaxweynaha Kooxda Bayern Munich ee Karl-Heinz Rummenigge ayaa ku qanacsan in ay kooxda Bayern Munich si toos ah ula wareegi doonto James Rodriguez.

Xiddiga reer Colombia ayaa amaah kula jooga kooxda Bayern Munich isaga oo heshiiskaas dhamaan doono dhamaadka xilli ciyaareedka.

“Waxa aan ku qanacsanahay in uu James Rodriguez xilli ciyaareedka dambe u ciyaari doono Bayern Munich xilli ciyaareedka dambe”ayuu Rummenigge yidhi.

“Waxa aan hubaa in uu tababare Niko Kovac garanayo tayadiisa”.

“Uma malaynayo in ay wax dhibaaato ah ka dhex taagantahay labadooda”.

“Waxa aan ahay taageero weyn oo James ah”.

“Waxa uu leeyahay tayo cajiib ah waxana aan haysanaa ilaa 15 June si aan ula saxiixano xiddiga”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here