KOOXDA RIYADA: Ma Shaxdan Ayuu Doonayaa In Ernesto Valverde Uu Xili Ciyaareedka Cusub Ku Soo Shirtago? Miyaa Jiri Kartaa Koox Joojin Kartaa?

Barcelona ayaa haddaba haysata koox heer sare ah oo ay ugu riyoonayso in ay xili ciyaareedkan uguwada guulaysato saddexda koob ee ay ku tartamayso oo ay haddaba laba ka mid ah aad ugu dhawdahay, laakiin maamulka sare ee Camp Nou ayaa dhisaya koox riyo ah isla markaana ay ku gaadhi karaan guulo badan sanadaha soo socda.

Madax waynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa ugu danbayn u muuqda in uu helayo taageerada jamaahiirta kooxdiisa oo wati dheer min caarid ku soo ahaa, wuxuuna hadda dhisayaa kooxdii mustaqbalka iyo waliba waqti xaadirkan uu Valverde ku shaqayn lahaa.

Barcelona waxay haddaba ku guulaysatay saxiixa Frenkie De Jong oo loo arko xidigaha khadka dhexe ee mustaqbalka ugu wayn ku leh kubbada cagta, waxaana hore Camp Nou u sii joogay, Sergio Busquets, Ivan Rakitic, Arthur Melo iyo Sergio Roberto inkasta oo Arturo Vidal uu noqday ciyaartoy duqoobay oo ay suurtogal tahay in uu bixi doono ama uu kaydka ku qanacsanaan doono.

Laakiin sidoo kale Ivan Rakitic ayay suurtogal tahay in uu Barcelona ka bixi doono xagaaga iyada oo ayna Barca wali qorshe u ahayn heshiiska cusub ee uu doonayay in uu saxiixo laakiin waxay Barcelona doonaysaa in ay si xor ah kula soo wareegto xidiga PSG ku go’doonsan ee Rabiot kaas oo sababta Barca awgeed ay isku seegeen maamulka PSG.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo diyaarisay shaxda macquulka ah ee uu Valverde la soo shirtagi karo xili ciyaareedka cusub iyada oo xogtan aanu ku salaynay ciyaartoyda ay haddaba Barca haysato ee muhiimka ah iyo kuwa ay aadka suurtogalka u tahay in ay la soo wareegi karaan suuqa xagaaga.

Sida muuqan karta waxay Barcelona ku dhawaan doontaa in ay boos kastaba dhawr ciyaartoy u haysan karto, sidaa daraadeed, shaxda kama soo wada muuqan karaan, balse waxaanu eegi doonaa shaxda ugu macquulsan ee ciyaartoyda uu Valverde ku shaqayn karo.

Haddaba halkan kaga bogo shaxda Macquulka Ah Ee Uu Valverde Ku Soo Shirtagi Karo Xili Ciyaareedka Soo Socda:

Ter Stegen ayaa wali ahaan doona goolhayaha kowaad ee Barcelona mana jirto sabab loo badalo ama uu ku bixi karaa, waxaana difaaca dhexe la filayaa in uu noqon doono mid tartan badan loo gali doono haddii ay Barca ku guulaysato difaaca ay dalabkii ugu horeeyay ka gudbisay ee De Light.

Haddii ay Barcelona ku guulaysato saxiixa De Ligt, waxaa la filayaa in Pique uu noqon doono difaaca lamaanaha kula noqon doona wadnaha difaacasha kooxdiisa Barcelona iyada oo Umtiti uu haddaba shaki ku jiro mustaqbalkiisa laakiin Alba ayaa difaca bidix kali ku ahaan doona halka Roberto iyo Semedo ay difaaca midig ku tartami doonaan.

Sergio Busquets ayaa dhexda danbe ee burburiyaha ka sii ciyaari doona laakiin haddii ay Barca ku guulaysato saxiixa Rabiot waxa uu la tartami doonaa Arthur Melo halka Frenkie De Jong iyo Ivan Rakitic ay booskooda ku dagaalami doonaan.

Philippe Coutinho ayaa la filayaa in uu iska diidi doono bixitaan isla markaana uu booskiisa u sii dagaalami doono halka Ousmane Dembele uu si shaki la’aan ah u heli doono booskiisa laakiin haddii ay Dembele iyo Coutinho xaalad fiican galaan waxa uu Messi heli doonaa fursada uu weerarka dhexe ee beenta ah uga ciyaari doono taas oo Suarez kaydka galin doonta.

Haddii kale Suarez ayaa weerarka dhexe ka ciyaari doona waxaana booskiisa waayi doona Coutinho ama Dembele hadba kii aan xaalad fiican ku jirin. Waxa kale oo aanan shaxdan ku soo darin xidigaha Barcelona lala xidhiidhinayo ee Marcus Rashford,Antoine Griezmann iyo Luka Jovic oo aan ilaa hadda kala cadayn haddii ay suurtogal noqon doonaan.

Halkan si buuxda ugaga bogo shaxda Macquulka Ah Ee Uu Valverde Ku Soo Shirtagi Karo:

Haddii aad taageere kooxda Barcelona ah tahay, miyaad shabakada Gool24 ku raacsan tahay shaxda macquulka ah ee uu Valverde ku soo shirtagi karo xili ciyaareedka cusub? Haddii kale maxaad ka badali lahayd?

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here