Kooxda Manchester United oo heleysa war aad u fiican kahor kulanka Watford

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa heshay war aad u wanaagsan kahor kulanka soo aadan ay Watford ku wada ciyaari doonaan horyaalka Premier League.

Manchester United ayaa la filayaa inay heli doonto adeegyada xidigo badan ee dhaawacyo kala duwan kaga maqnaa kulanka Watford ee Sabtida.

Red Devils ayaa dagaal ugu jirta sida ay kaga mid noqon lahayd kaalmaha afarta sare horyaalka Premier League dhamaadka xili ciyaareedkan, si ay u xaqiijiyaan ka qeyb galkooda tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda.

Ciyaartoy badan ee Manchester United ah ayaa dhaawacmay Isbuucaan, kuwaasoo isaga baxay xerada tababarka ee xulalkooda, waxaana ka mid ah Nemanja Matić, Rashford, Lukaku, Luke Shaw iyo Martial.

Laakiin sida ay u badan tahay isla markaana ay wararku ay sheegayaan Manchester United ayaa fursad u heli karta adeegyada 5-ta ciyaaryahan kor ku xusan, si ay kaga qeyb qaataan kulanka ay sabtida  kooxda Watford kula ciyaari doonaan horyaalka Premier League, marka laga reebo Lukaku oo u baahan wakhti dheeraad ah si uu kaga soo kabto dhaawaca kasoo gaary dhanka lugta.

Kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford ayaa sidoo kale la filayaa inay dib u hesho seddexda ciyaaryahan ee kala ah Eric Bailly, Antonio Valencia iyo Matteo Darmian,

Laakiin  xidiga reer Chile ee Alexis Sánchez ayaa sii wadan doona maqnaanshihiisa saddex isbuuc oo kale.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here