Kooxda Manchester United oo dhagaysanaysa dalabyada u imaanaya Romelu Lukaku

0

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la soo warinayaa inay dhagaysan doonto dalabyada u imaanaya ciyaaryahankeeda Lukaku, kaasoo ay xiisanayaan kooxo dhowr ah.

Jariiradda The Telegraph ayaa warinaysa in kooxda Manchester United ay dhagaysan doonto dalabyada u imaanaya ee ku aaddan Weerrayahankeeda Romelu Lukaku xagaagan.

Man United ayaa qorsheynaysa inay dib u dhis xooggan ku sameyso shaxdeeda xagaagan, Lukaku oo ka dambeeya Marcus Rashford dhanka weerarka kooxda ayaana laga yaabaa inay iska iibiso si ay lacag uga hesho, iyadoo hadda bilaabaysa inay dhagaysato dalabyada u imaanaya.

Kooxaha Inter Milan, PSG iyo Bayern Munich ayaa la rumeysan yahay inay aad u xiisanayanaa saxiixa xiddigan xulka qaranka Belgium, kaasoo la hadal hayey markii hore inuu u dhaqaaqi doono dalka Talyaaniga.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here