Kooxda Juventus Oo Si Lama Filaan Ah Baanka Ugu Jabinaysa Mohamed Salah & Sababta Oo La Ogaaday

0

Kooxda Juventus ayaa si lama filaan ah isugu diyaarinaysa in ay dalab weyn ka gudbiso saxiixa xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah.

Mohamed Salah ayaa wacdaro ka dhigay kooxda Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray isaga oo xilli ciyaareedkan dhaliyay 20 gool tartamada oo dhan.

Kooxda Juventus ayaa ku dhibaatoonaysa in ay sii haysato xiddiga xiddiga garabka uga ciyaara ee Paulo Dybala kaas oo xiiso ka helaya kooxo badan o reer yurub ah oo ay ugu horeeyaan Barcelona iyo Juventus.

Wargayska Gardian ayaa sheegaya in ay kooxda Juventus bartilmaameedsanayso Mohamed Salah hadii ay waydo xiddiga Paulo Dybala xagaaga dambe.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in ay Juventus diyaar ula tahay xiddiga lacag dhan 170 milyan oo euro si uu u noqdo xiddiga ugu qaalisan taariikhdeeda.

Mohamed Salah ayaa horay uga soo ciyaaray horyaalka Serie A-da halkaas oo uu qaab ciyaareed fiican ku soo qaatay kooxaha Roma iyo Fiorentia.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here