Kooxda Eintracht Frankfurt Oo Sheegtay Kooxda Ay U Badantahay In Uu Xiddiga Luka Jovic

0

Weeraryahanka sida aadka ah loo qiimeeyo ee Luka Jovic ayaa u muuqda mid doortay kooxdii uu ku biiri lahaa marka la gaadho suuqa kaal iibsiga xagaaga kadib markii ay kooxdiisu xaqiijisay kooxda uu ku dhawyahay xiddigu.

Waxa ay u muuqataa in uu weeraryahanka Luka Jovic ku sii dhawaanaya ku biirista kooxda ku ciyaarta garoonka the Estadio Santiago Bernabeu ee Real Madrid.

Weeraryahanka kooxda Eintracht Frankfurt ayaa wacdaro ka dhigaya horyaalka Bundesliga xilli ciyaareedkan kooxda Real Madrid ayaana ah koox si weyn taageero ugu ah xiddiga.

Kooxda reer Germany ayaa xiddiga si toos ah ugala wareegtay Benfica oo uu amaah kaga maqnaa iyaga oo ka bixiyay 12 milyan oo euro todobaadkii hore laakiin waxa laga yaabaa in ay iibiso suuqa xagaaga.

“Waxa jirta suurtagalnimo weyn oo uu Jovic ugu biiri karo Real Madrid”ayuu yidhi agaasimaha kooxda reer Germany ee Fredi Bobic.

“Waxa aan rajaynayaa waliba doonayaa in uu sii joogo halkan Eintracht laakiin waxa aan sidoo kale ogahay hadii koox sida Real Madrid oo kale doonayso in ay adagtahay fursada lagu haysan karo”.

Qirashada agaasimaha Eintracht ee Fredi Bobic ayaa timid 9 maalmood kadib markii ay Real Madrid xiiso u muujisay xiddiga kadib xilli ciyaareedkiisi cajiibka ahaa ee uu soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

21 jirkan ayaa dhaliyay 17 gool oo horyaalka ah iyo waliba 9 gool oo Europa League ah waxana lagu heli karaa inta u dhexaysa 60 ilaa 70 milyan oo euro.

Qiimahaas ayaa ah mid soo dhawaynaya kooxda Real Madrid marka loo eego qiimayaasha xiddigaha Robert Lewandowski & Harry Kane.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here