Kooxda Chelsea ayaa suuqa January doonaysa weeraryahan cusub waxana ay doonayaan in ay midkood u dhaqaaqaan xiddigaha Robert Lewandowski ama Jamie Vardy su ay ugu xaliyaan dhibaatada.

Chelsea ayaa si weyn ugu dhibaatoonaysa dhanka weerarka tan ilaa markii uu kooxda ka tagay xiddiga reer Spain Diego Costa kuna biiray kooxda Atletico Madrid.

Blues ayaa la soo saxiixatay isla xagaagii uu Costa tagay xiddiga Alvaro Morata laakiin xiddiga ayaa ku fashilmay in uu la qabsado horyaalka premier League.

Chelsea ayaa suuqii January ee bilowgii sanadkan u dhaqaaqday xiddigii hore ee Arsenal Olivier Giroud laakiin si la mid ah xiddiga ayaa ku fashilmay in uu saamayn ku yeesho.

Wararka haatan ay qorayso wargayska Daily Express ayaa sheegaya in ay chelsea midkood u dhaqaaqi doonto xiddigaha Lewandowski Ama Vardy si ay u xaliyaan dhibaatada weerarka.

Lewandowski & Vardy ayaa ka mid ah xiddigo qaab ciyaareed fiican ku jira iyaga oo oo kooxda Blues si weyn uga caawin kara in ay goolal dhaliyaan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here