Kooxda Arsenal Oo Wadahadalo Horumar Leh Kula Jirta Yannick Carrasco Kadib Markii Loo Diiday Ivan Perisic

0

Kooxda Arsenal ayaa ah kooxda ugu dhaq-dhaqaaqa badan suuqa January ee bishan marka loo eego kooxaha waaweyn ee premeir League.

Inkasta oo ayna wali la saxiixan xiddig hadana Arsenal ayaa xiddigo badan lala xiriirinayay waliba wadahadalo la furtay kooxo badan.

Wararka haatan ka imanaya Italy ayaa sheegaya in ay Arsenal wadahadalo horumar leh kula jirto Xiddiga garabka ka ciyaara ee Yannick Carrasco kadib markii ay Inter Milan diiday heshiiskii Amaahda ahaa ee Ivan Perisic.

Sky Sport Italia ayaa sheegaya in ay Maanta oo Arbaca ah saacado ka hor kooxda Arsenal wadahadalo la furtay kooxda ka ciyaarta horyaalka Shiinaha ee Dalian Yifang.

Carrasco ayaa sidoo kale lala xiriirinayay kooxda Inter Milan laakiin waxa uu haatan u muuqdaa in uu ku biiri doono North London.

Xiddiga reer Belguim ayaa doonaya in uu dib ugu soo laabto Horyaalada yurub kadib markii uu kooxda shiinaha joogay tan ilaa xagaagii hore.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here