Kooxaha Inter Milan iyo AC Milan oo wada doonaya saxiixa weeraryahan ka tirsan Chelsea

Kooxaha reer Talyaani ee Inter Milan iyo AC Milan ayaa la soo warinayaa inay labaduba xiiseynayaan xagaagan saxiixa weeraryahanka Chelsea ee Pedro.

31-sano jirkaan ayaa Chelsea kaga soo biiray Barcelona xagaagii 2015-kii, waxaana uu u saftay kooxda ka dhisan caasimadda Ingiriiska 173 kulan tartamada oo dhan isagoo u dhaliyey 37 gool.

Xiddiga reer Spain ayaa qaab ciyaareed fiican ku jiray Premier League xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay siddeed gool 26 kulan oo uu saftay.

Pedro ayaa heshiiskiisa haatan ee garoonka Stamford Bridge waxa uu ku eg yahay xagaaga 2020-ka, Jariiradda The Express ayaana warinaya in labada kooxood ee reer Talyaani, Inter Milan iyo AC Milan ay wada doonayaan inay la saxiixaan xiddigan garabka ka dheela dhammaadka kal ciyaareedkan 2018-19.

Chelsea ayaa fursad u haysata inay ku soo laabato afarta sare ee horyaalka Premier League, marka ay garoonkooda Stamford Bridge caawa ku soo dhoweynayaan kooxda Brighton & Hove Albion.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here