Kooxaha Barcelona Oo Si Weyn Uga Wel-Welsan Xiddigaha Real Madrid & Ficil Ay Kaga Cabsi Qabaan Ka Hor Kulanka

Waxa si weyn loo sugayaa kulanka xiisaha leh ee El Clasico lugta 2-aad ee Copa Del Rey-ga kana dhici doona garoonka Real Madrid ee Santiago Bernabue.

Labada Kooxood ayaa kulanka soo galaya iyada oo midkood iska xaadirin doono finalka tartanka Copa Del Rey-ga xilli ciyaareedkan.

Kulanka ayuu dhex-dhexaadin doonaa garsooraha Alejandro Hernández Hernández kaas oo noqon doona midka hogaamin doona kulanka weyn.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona si weyn uga wel-welsan yihiin garsoorka kulanka El Clasico.

Wargayska ayaa sheegaya in ay ka wel-welsan yihiin cadaadiska ay xiddigaha Real Madrid saaraan gasroorka si ay saamayn ugu yeeshaan go,aankiisa.

Isla wargayska ayaa sheegaya in qolka Labiska Barcelona aaminsan yihiin in ay xiddigaha Real Madrid isku dayi doonaan in ay khal-khal galiyaan go,aanka garsoore Alejandro Hernández Hernández.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here