Koox Spain Ah Oo Laga Waayi Karo 8 Dhamaadka Champions League Markii Ugu Horaysay 14 Sano

0

Isku aadka wareega 8 dhamaadka tartanka champions League ayaa la qaban doonaa maalinta jimcaha waxana ay u badantahay in hal koox oo Spain ah lagu arko.

Barcelona ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda Lyon laakiin kulanka ayaa dhan walba u furan kadib markii uu bar-baro 0/0 ah ku dhamaaday lugtii hore.

Guuldaradii Atletico Madrid ee Juventus ayaa la macno ah in ay banaanka tartanka u raacday kooxda ay Jaarka yihiin ee Real Madrid.

Kooxda Valencia ayaa dhankeeda wareegii Group-yada kaga hadhay tartanka champions League taas oo la macno ah in ay kooxaha reer Spain soo bandhigeen qaabkoodii ugu xumaa tartanka champions League sanado badan kadib.

Hadii ay kooxda Barcelona u gudubto wareega xiga waxa ay noqon doontaa sanadkii ugu xumaa ee kooxaha reer Spain tan ilaa sanadkii 2009/2019 markaas oo ay hal koox oo kaliya gaadhay 9 Dhamaadka tartanka ka hor intii aan Semi-finalka lagu reebin.

Hadii ay ay Barcelona u gudbi waydo wareega 8 dhamaadka waxa ay nooqn doontaa markii ugu horaysay ee ayna kooxaha reer Spain wax koox ah ku lahayn 8 dhamaadka champions League tan ilaa 2004/2005.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here