Xiddiga kooxda PSG ee Lionel Messi ayaa lagu soo waramayaa in uu ka fikirayo in uu ku biiro kooxda Man City ee ka ciyaarta premier League xagaaga.

Laakiin waa hadii uu Lionel Messi ku fashilmo ku fashilmo ku guulaysiga koobka adduunka haatan ka socda dalka Qatar.

Lionel Messi ayaa xaqiijiyay in uu ciyaari doono koobkiisii ugu dambeeyay ee adduunka isla markaas aad u doonayo in uu xulkiisa kula guulaysto koobka adduunka.

Sida laga soo xigtay El Nacional, Lionel Messi ayaa diyaar u ah in uu ku biiro kooxa Man City suuqa kala iibsiga xagaaga dambe hadii uu ku fashilmo in uu xulkiisa kula guulaysto koobka adduunka.

Messi ayaa doonaya in uu ku guulaysto champions League ka hor inta uuna ka fadhiisan ciyaaraha waxana uu Man City iyo pep Guardiola u arkaa kooxda kaliya ee arintaas ka caawin karta.

Lionel Messi ayaa ku jira sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa kooxda PSG waxana uu xor noqon doonaa marka uu dhoco heshiiskiisa haatan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here