Klopp : Ixtiraam Ayaan U Hayaa Kompany Balse Hal Su`aal Ayaan Jawaab U Rabaa”.

0

Tababaraha kooxda Livberpool ee Klopp ayaa ku xanaaq furtay garsoorihii hayay kulankii kooxdiisa looga soo badiyay 2/1 ee wareegga 21-aad ee horyaalka Ingiriiska .

Waxa uu xusay Klopp in uu la yaaban yahay go`aankii garsooraha ee ku aadanaa in uusan kaarka cas siin daafaca City ee Kompnay kaasi oo si adag u carqaladeeyay Mohamed Salah xilligaas oo uu garsooraha kaliya uu siiyay kaarka digniinta.

” Ma aqaan sababta uusan garsooraha u siin kaarka cas ” ayuu is weydiyay macalinkaas hore Dortmund ee Klopp

” Kompnay waa xiddig wacan waliba ixtiraam ayaan u hayaa balse su`aasha waxa ay tahay maxay tahay sababata aan loo eryin”.

Waxa uu rajo ka muujiyay xaaladda kooxda ee hogaanka ka dib 21 kullan isaga oo sheegay in wax wacan ay tahay in hogaanka ay hayaan taasina ay tahay mid uu filiyay tan iyo biloowgii xilli ciyaareedka

” Qeybta labaad si wacan ayaan u ciyaarnay balse tani waa xaalka kubadda cagta” ayuu sii raaciyay tababare Klopp

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here