Khabiirka Kubada Cagta Robbie Savage Oo Sameeyay Saadaashiisii Ugu Dambaysay Ee Premier league & Lama Filaano Lagu Arkay.

Khabiirka kubada cagta ee Robbie Savage ayaa sameeyay saadaashiisii ugu dambaysay ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

8 Kulan oo kaliya ayaa ka hadhay dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo kooxaha ugu sareeya ay si aad ah isugu dhaagn yihiin.

Kooxaha Man City iyo Liverpool oo ku dagaalamaya hanashada horyaalka premier League ayay kaliya hal dhibic u dhexaysaa.

Dhanka kale kooxaha Tottenham, Arsenal, Man United iyo Chelsea oo ku dagaalamaya 2-da boos ee soo hadhay ayay kaliya 4 dhibcood u dhexeeyaan.

Robbie Savage ayaa saadaaliyay xitaa dhibcaha ay heli doonaan kooxaha ugu sareeya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Khabiirkan ayaa saadaaliyay in ay kooxaha Tottenham iyo Chelsea ka hadhi doonaan tartanka loogu jiro champions League xilli ciyaareedka dambe.

Halka uu si la yaab leh u saadaaliyay in ay Man United kaalinta 3-aad ka soo gali doonto kala saraynta premier Legue.

Man City ayuu u saadaaliyay hanashada horyaalka isaga oo sheegay in ay hal dhibic kaga qaadi doonto kooxda kaalinta 2-aad ee Liverpool.

Manchester City – 98

Liverpool – 97

Manchester United – 77

Arsenal – 76

Tottenham – 75

Chelsea – 74

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here